XOG: Muhiim ah Al-Shabaab Oo laga Cabsi Qabo In ay Weeraraan Villa Somalia

0
36

Warar hoose oo ay heshay warbaahinta booqasho ayaa waxaa ay sheegayaan in Cabsi iyo feejegnaan dheeraad ah ay ka jirto xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Warar ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay abaabulayaan Weeraro culus oo ay ku qaado Xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Somalia sida xog sirdoon ah lagu helay.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee illaalada gaarka ka ah Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Ciidamo badan dhiga Albaabada laga galo Madaxtooyada kuwaa oo aad u feejigan.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa tan iyo intii la doortay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo waxaa ay noqotay Mid Mashquul ah oo ay isugu yimaadeen Siyaasiyiin xil-doon ah.

Al-Shabaaba ayaa dhow jeer oo hore waxaa ay weeraro uga geysteen Madaxtooyada Soomaaliya intii uu madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaana hadda soo baxaya warar hoose oo tibaaxay in Shabaab weerar u abaabulayaan Madaxtooyada inkastoo Sirdoonka Soomaaliya arrintaa uu ka warhelay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here