XOG: Al-Shabaab oo abaabulaya weeraro halis ah {xagee u qorsheeysan}

0
51

Warar Hoose oo ay heshay Wakaalada booqasho.com ayaa waxaa uu sheegayaa in kooxda Al-Shabaab ay abaabulayaan Weeraro ay ku qaadaan Deegaanada Gobolka Mudug gaar ahaan goobaha ay ka kala taliyaan Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Xogta waxaa ay intaa ku dareysaa in Shabaabku Abaabulka ay ka wadaan Deegaanada ku yaalla Koonfurta gobolada Mudug & Galguduud ee dhinaca Galmudug, iyagoo hadda Boqolaal Dagaalamayaal ah halkaa isugu geeyay kuwaas oo tawabaro dhawaan loo soo xiray.

Maamulada Puntland iyo Galmudug waxaa illo xog ogaal ah ay inoo xaqiijiyeen in ay ka war heleen Abaabulkaa ay wadaan Shabaab,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la sheegay in ay u diyaar garowayaan Dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa Maamulka Puntland ay sheegeen in arrintan ay Kooxda Shabaab hadda abaauleyso ay halis ku tahay amaanka deegaanada Galmudug iyo Puntland islamarkaana loo baahan yahay in si isku mid ah loola dagaalamo Shabaabka.

Al-Shabaab ayaa horey waxaa ay Boqolaal dagaal yahan u daabushay Deegaanada Xeebta dhaca ee Garacad iyo Suuj halkaas oo dagaal ba’an uu ku dhax maray Ciidamada Difaaca Puntland waxaan halkaa jaba xoogan uu ka soo gaaray Shabaabkii weeraray deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here