Xiisad dagaal iyo Hub aruursi xoogan oo ka socda Deegaanada Koonfur galbeed

0
36

Saraakiisha Ciidamada iyo Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa deegaano ka tirsan Gobolka Baay waxaa ay ka wadaan abaabul dagaal.

Waxaana qorshuhu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay kaga harsanyihiin Gobolada Baay iyo Bakool oo si aad ah ay ugu xoogan yihiin Dagaalmaayasha Kooxda.

Dagaal khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac sababay oo soo kalagaaray labada dhinac ayaa shalay waxaa uu ku dhax maray deegaano ka tirsan Degmada Qansaxdheere ee Gobolka baay.

Gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili abaaro iyo cudurka shuban biyoodka uu faro ba’an ku hayo dadka ku nool qeybo ka mid ah Baay iyo Bakool oo Al-Shabaab ay go’doomiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here