Xidigaha Geeska oo Shil Gaari Galay+Sawirro

0
76

Fanaaniinta Xiddigaha Geeska ayaa lagu soo waramayaa in shil gaari ay goordhaweyd ku galeen Duleedka Kaantaroolka Abaarso oo 15-km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Hargeysa Caasimada Maamulkaas.

Fanaaniintaan ka tirsan Xidiga Geeska Afrika ayaa la sheegay in ay ka ambaxa-baxeeyn Galabnimadii maanta Magaalada Hargeysa islamarkaana ay kusii jeedeen deegaanka Abaarso.

Gaariga Fanaaniinta ay wateen ayaa la xaqiijiyay in uu burbur xoogan uu kasoo gaaray dhanka afka hore islamarkaana uu lahaa Musikanka kooxda Axmed Wali Furinley waxaana noociisa lagu sheegay (Hammer).

Ilaa 7-ruux oo iskugu jirey Fanaaniin iyo Abwaano ka Tirsan Xidigaha Geeska ee Somali-land ayaa saarnaa gaariga waxayna howlo shaqo ugu socdeen Duleedka Abaarso oo 15-km dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in afar kamid ah Fanaaniinta Xidigaha Geeska in ay soo gaareen dhaawacyo fudud islamarkaana la jiifiyay isbitaalka magaalada Hargeysa ee caasimada Somali-land.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here