War naxdin leh: Nin ay jebiso liqday oo la helay Meydkiisa

0
32

Nin 25 jir ah oo u dhashay Wadanka Indonesia ayaa meydkiisa la helay kadib markii mudo la baadi goobayay.

Ninkan oo ku noolaa Jasiiradda Sulawesi ayaa waxaa la waayey Maalintii Axadii la soo dhaafay waxaana lagu magacaabi jiray ninkan Akbar waxaana uu maqnaa Muddo 24 saac.

Akbar ayaa meydkiisa laga helay Jebiso weyn oo liqday Ciidamada Booliska wadankaas ayaa sheegay in intii lagu guda jiray raadinta Akbar ay arkeen jebiso weyn oo ay tuhmeen.

Jebisada oo dhirirkeedu uu gaaryay 7 mitir ayaa caloosheeda la dilaaciyay, waxaana halkaa laga soo saaray meydka ninkii la baadigoobayay.

waa arrin  naadir ah in jebiso ay disho islamarkaana cunto bani’aadamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here