War Deg Deg:-Dil Kii Ugu Naxdinta Badnaa oo Goordhaweyd Ka Dhacay Muqdisho+Yaa Loo Geystay

0
45

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa ku waramaya in goordhaweyd gudaha degmadaas uu dhacay dil loo geystay Haweeney da’ ah.

Askari ka Tirsan Ciidamada Nabad Sugida Dowladda Soomaliya oo magaciisa lagu sheegay Maslax Ganeey ayaa dilka u geystay Haweeneyda da’da  aheyd  oo ku sugneed wadada Danwadaagta ee Degmada Wadajr ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadka degaanka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ayaa sheegay in askariga uu si bareer ah haweeneyda u dilay islamarkaana uu goobta isaga baxsaday falka kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa gaaray goobta  uu dilka ka dhacay,waxayna wadaan howlgal lagu baado-goobayo askarigii ka ka dambeeyay  dilk Haweeneyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here