War Deg Deg ah:-Saraakiil Lagu Dilay Muqdisho+Xaaladda oo Kacsan

0
74

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan qeybta Daawada waxa ay ku dileen Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka, gar ahaan Hay’adda NISA.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa  u sheeg Warbaahinta ay Labo Dhalinyaro ah oo Bastoolado ku hubeysan in ay dilkan fuliyeen, Askarigana qeybtsa sare ee jirkiisa ay Rasaas kaga fureeen, kadibna ay halkaasi ka baxsadeen.

Sarkaal NISA ka tirsan ayaa Risaala u xaqiijiyay dilkan, wuxuuna Askariga la dilay magaciisa ku soo koobay Daadirey, isaga oo sidoo kale sheegay in lagu daba jiro Dableydii dilka geysatay.

Maamulka Degmada iyo Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, halkaasi oo ay ka qaadeen Marxuumka la dilay, waxaana ay ula dhaqaaqeen xarumaha baarista Ciidanka, si dilkiisa dabagal loogu sameeyo.

Isu socodka dadka suuqa Bakaaraha gaar ahaan goobta uu dilka ka dhacay ayaa mudo kooban uu hakad galay, inkastoo markii dambe uu si caadi ah ku soo noqday.

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ka socda dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, waxaana inta badan Mas’uuliyadooda sheegta Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here