War Deg Deg:-Agaasime Goordhaweyd Iscasilay

0
73

War qoraal ah oo uu so dhigay bartiisa facebook ayuu ku shaaciyey Agaasimihii waaxda dastuurka ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha dimuquraadiyeynta Puntland Liibaan Cabdullaahi Ducaale inuu xilkii isaga casiley.Agaasimaha ayaa iscasilaadiisa u sababeeyay cadaadis iyo hagardamo uga timid wasiiradda wasaaradda oo kala ah wasiirka Cali Ciise Oog iyo wasiir Ku xigeenka Cabdiraxmaan Filibiin oo isku raacay in cadaadis iyo hagardaamo joogto ah la saaro.

Sidoo Liibaan Agaasimihii waaxda dastuurka ee wasaaradda dastuurka iyo arrimaha dimuquraadiyeynta Puntland ayaa uga mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ay soo wada shaqeeyeen sidii ay ula shaqeeyeen, wuxuuna balanqaaday inuu ka sii shaqayn doono horumarinta xafiiska uu banneeyey iyo guud ahaan Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here