UK oo maanta si rasmi ah uga baxaysa Midowga Yurub

0
38

Haweenayda Ra’iisul Wasaaraha ka ah dalka Ingariiska ee lagu magacaabo  Theresa May, ayaa saxiixday warqaddii sida rasmiga ah UK ay kaga baxaysay Midowga Yurub.

Waxay ogaysiis rasmi ah oo waafaqsan qodobka 50-aad ee heshiiskii Lisbon, u gudbin doontaa madaxweynaha golaha Yurub, Donald Tusk, maanta oo Arbaco ah.

Warbixin ay siisay golaha baarlamanka Ingiriiska, ayey Ra’isal Wasaaruhu ku sheegtay xildhibaannada in tallaabadani astaan u noqon doonto “wada jirka dalka”.

 Arrintaani waxay daba socotaa aftidii la qaaday bishii Juun ee sannadkii hore ee natiijadii ka soo baxday noqotay in dalku ka baxo Midowga Yurub.

Ra’isal Wasaaruhu waxa ay guddoomin doontaa kulan golaha wasiiradu yeelan doonaan Saaka ka dibna waxa ay warbixin ka horjeedin doontaa xildhibaannada oo ay ku wargelin doonto in ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub si rasmi ah u bilaabmay.

Wada hadallo Ingiriisku la yeelan doono Midowga Yurub ayaa la filayaa in ay bilaabmaan bartamaha bisha May.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here