Top:News:Al-shabaab Oo Gaari ay Ka Soo Afduubteen Gudaha Kenya

0
29

Ciidamo ka tirsan kuwa al-shabaab oo dhawaan gaari ka soo afduubtay gudaha wadanka kenya waxaa al-shabaab ay gaariga ula soo dhaqaaqeen gudaha wadanka soomaaliya.

Al-shabaab ayaa gaariga waxa ay soo dhexmarsiiyeen degmada ceelwaaq oo ay kuwada sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya.

Gaariga ayaa la sheegay in ciidanka Kenya fariisamadooda marka uu soo gudbay in risaas ku fureen ciidamada dowladda oo ku sugnaa bartamaha degamda ceelwaaq balse gaariga oo xowli ku socday waxaa suura gal noqon weysay in gaariga uu istaago madaama risaas badan ay ku dhaceysey
Ibraahim Aadan Guuleed oo ah Guddoomiyaha Ceel-waaq ayaa sheegay in gaariga uu baxsaday kadib marki ay ciidamada dowladda ku guuldareysteen soo qabashada gaarigaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here