Theresa May oo si Rasmi ah u saxiixday Warqadii UK uga baxday Midowga Yurub (Daawo Sawirada)

0
37

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska, Theresa May, ayaa si rasmi ah u saxiixday warqadii dowlada Britain uga baxday Midowga Yurub, kadib aftti ay dadka u dhashay Britan ugu codeeyeen in ay ka baxaan Midowga Yurub.

Theresa May , ayaa wergalin rasmi ah oo waafaqsan qodobka 50-aad ee heshiiskii Lisbon maanta oo arbaco u gudbin doontaa madaxweynaha golaha Yurub, Donald Tusk.

Ra’isal wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale Warbixin ka hor jeedin doonta Xildhibaanada Britain si ay ugu wergaliso in ka bixitaanka Dowlada Britain ee Midowga Yurub uu si rasmi ah u bilowday.

Dowlada Britain ayaa isaga baxday Midowga Yurub kadib markii afti dadweyne loo qaaday, waxa ayna inta badan shacabka dalkaasi doorteen in ay ka baxaan Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here