Subxaanalaah “Odayaal Dhaqameed Lagu Gowracay Degmado Caan Ah

0
30

Wararka ka imaanaya tuuladda Ceel-nugur ee hoostagta Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud ayaa ku waramayaa In Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM in tuuladaas ay ku gowraceen 6-odey dhaqameed oo si weyn loogu yaqaanay tuuladda.

Magacyadda odoyaasha la gowracay ayaa lagu kala sheegay Cabdi Diiriye Cadaawe(Nageeye),Maxamed Muuse faafe,Burhaam Cali Cabdule Xalane,Daahir Cadde Maxamuud,Cabdi Cabdi Fiifow iyo Cabdi Dhagool.

Maamulka Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud aynu la xiriirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan falkaan Ciidamada Ethopia ay ka geysteen tuuladda Ceel-nugur ee hoostagta Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Dhanka kale si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa In Ciidamada Ethopia ay gowracaan odoyaal dhaqameedka kamid ahaa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here