Shil khasaare geystay oo ka dhacay Mudug

0
31

Waxaa faah faahin dheeraad ah shil Gaari kaasi oo saakay ka dhacay Degaanka Bandiiradley ee Gobolka Mudug, sida uu soo sheegayo Wariyaha Risaala ee halkaasi ku sugan.

Shilkan ayaa waxaa ku dhintay Hal Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha laamaha caafimaadka.

Dadka ku dhaawacmay shilkan Gaari ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug.

 Guddoomiyaha Degaanka Bandiiradley ee Gobolka Mudug, Mudane C/risaaq oo la hadlay warbaahinta Booqasho ayaa sheegay Gaari Carib ah oo ay saarnaayeen dad safar ah in uu ku rogmaday meel Magaalada banaankeeda ah.

Wariyaha warbaahintaBooqasho ee Magaalada Gaalkacyo Maxamed  ayaa warkan inoo soo diray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here