Puntland oo furtay Wadooyinkii dagaallada ku xirmay

0
27

Maamulka Puntland ayaa Furay Wadooyinkii ku xirmay dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee ku yaalla Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Duqa Waqooyiga magaalada Gaalkacyo Maxamuud Yaasiin Axmed ayaa ku dhawaaqay in dowlad goboleedka Puntland ay si rasmi ah ay u fureen Wadooyin ku xirmay dagaalladii Gaalkacyo.

Waxaa uu tilmaamay in ay si shuruud la’aan ah in ay ku fureen Wadooyinka ,islamarkaana Galmudug laga doonaayo in ay Furaan Wadooyinka xiran dhankooda.

 Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Gaalkacyo ayaa ku xirmay dagaalladii u dhaxeeyay Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa dadaallo nabadeed waday gudoomiyeyaasha Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland.

Shacabka kunool Magaalada Gaalkacyo ayaa ku qabay dhibaatooyin badan xirnaanshaha Wadooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here