Maxaadan O Geyn Oo Hada Ka Socda Xabsiga Dhexe + (Sawwiro)

0
40

Xabsiga dhexe ee Xamar labadii sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa laga dareemayey isbadal Horumarineed oo si xowli ah ku socda, iyadoo Maxaabiista ku xiran ay heleen Waxbarasho Noocyadeeda kala duwan iyo in Farsamada Gacanta oo la barro, waxaana Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed dalka dibadiisa uu ka keenay Warshado loogu tala galay in Farsamada Maxaabiista lagu baro, ayna ku shaqeystaan.

 Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo u faa’iideynaya Maxaabiista, meeshana ka saarayo in Maxbuuska Xoriyadda laga qaado ayaa waxa uu sameeyey in Maxaabiista Shaqeyneysa ee la baray Farsamada gacanta la siiyo Mushaar joogta ah, iyagoo Maanta loo sameeyey Acount Bank oo Mushaaraadka loogu shubayo.

Madaxa Hoggaanka Lacagta ee Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed G/sare Xuseen Daahir Sheer, ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay in Maxbuuska Warshadda Tababarka ka shaqeynaya la siiyo Mushaar joogto ah ay tahay in dhiiri gelin loo sameeyo, islamarkaana laga wacyi geliyo Waxyaabihii Xumaa ee lagu soo xiray, markii Xabsiga uu ka baxana, uu noqdo Shaqsi Xirfad leh oo heysta Lacag uu ku shaqeysan karo.

Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Dhammaan Xabsiyada Dalka ku yaala qorshaha uu yahay sidii Adeegyo Horumarineed looga hirgelin lahaa, waxaana Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu sheegay in marnaba raali aysan ka aheyn in Maxbuuska la ciqaabo, taasi badalkeedana ay diyaar u yihiin in Qofka Xoriyadda heysta Waxyaabaha Noloshiisa ay u baahan tahay, si la mid ah in maxbuuska Xabsiga ku jira uu isna helo.

—DHAMMAAD—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here