Mas’uul Ka Tirsan Dowlada oo Caqabad Ku ah Maamulka Hir-shabelle

0
47

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo Shir Jaraaid ku qabtay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa eedeen kulul u jeediyay Wasarada Arrimaha Gudha Xukuumadda Soomaaliya gaar ahaan Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Pro Yaxye Cali kaas oo uu ku eedeyay in uu caqabad ku yahay jiritaanka maamulka Hirshabelle.

 Madaxweyne Osoble ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Waqtigooda uu dhamaaay ay waddo arrimo dhibaato ku ah Maamulka Hir-shabeelle, islamarkaana ay amar ku bixisay in shaqsiyaad kasoo jeeda deegaanada Maamulkaas ay Hir-shabeelle u matalaan shirar ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo Hir-shabeelle ay leedahay wasiiro.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa sheegay in Maamulkiisa uu ka fiirsan doono xiriirka uu la leeyahay Dowladda Dhxe ee Federaalka Soomaliya ee uu Hogaamiyo Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo).

Dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble ayaa kala diray guddi Heer Gobol ahaa ee Hir-shabeelle kaasi oo ka shaqeynayay Abaaraha ka jira deeganada Maamulkaas,taasi badalkeeda ayuu magacaabay Guddi wasiiro ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here