Masar oo 56 Qof u Xukuntay Dhimashada Tahriibayaal

0
70

Maxkamad ku taalla Masar ayaa xukun ku riday 56 qof oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen doon siday tahriibayaal oo ku degtay xeebaha dalkaasi.
Doontaasi waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof oo tahriibayaal ahaa, bishii September ee sanadkii la soo dhaafay.

 Waxaa lagu xukumay illaa 14-sano oo xabsi ah, waxaana lagu helay dembiyo ay ka mid yihiin dil, si ula kac dad u dilid, iyo dayacidda nafta aadanaha.
Doonta oo ku sii socotay Taliyaaniga waxay ku gadoontay xeebaha magaalada Rosetta ee dalka Masar.

Qiyaastii 450 qof ayaa loo maleynayaa in doontaasi ay saarnaayeen, 100 ka mid ah waxay ku jireen qeybta hoose ee doonta oo ay ka soo bixi waayeen.

Waxaa doontaasi ka badbaaday 163 qof oo u badnaa Masaari. Waxaa sidoo kale saarnaa dad u kala dhashay Suuriya, Suudan, Eritreya iyo Soomaaliya.
Tirada tahriibayaasha ee u socdo Yurub ayaa sare u kacday

Qaar ka mid ah dadka badbaaday waxay sheegeen in xeebaha Masar lagu hayay shan maalmood, si dad badan loo saaro doonta.

Doontaas waxay gandoontay markii 150 qof oo dheeraad ah la saaray, sida ay sheegeen kuwa badbaaday.

Illaa 57 qof ayaa dacwad lagu oogay, balse hal qof oo dumar ah ayaa dembi lagu waayay.

Eedaha ugu yar ee dadkaasi loo haysto waxaa ka mid ah in aysan qalab wanaagsan u adeegsan badbaadinta, in ay halis geliyeen nafta tahriibayaasha, in ay lacag ka qaateen dhibanayaasha, inay qariyeen kuwa laga shakisan yahay, iyo adeegsiga doon aan sharciyeysneyn.

Sanadkii tagay, qiyaastii 5,096 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay ama lagu dhex waayay badda. 90 boqolkiiba waxay ku safrayeen badda Mediterranean-ka, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here