Madaxweyne Dunida Caan ka ah oo la Taliye ka dhigtay Gabar uu dhalay

0
29

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Truump ayaa gabadhiisa lagu magacaabo Ivanka Trump u magacaabay in ay kamid noqoto la taliyaashiisa gaarka ah kana dhax shaqeyso xarunta looga arimiyo dalka Mareykanka ee Aqalka cad.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahiyay in Ivanka Trump loo magacaabay in la taliye u noqoto Aabaheed, waxa ayna gabadhan ku dhax yeelatay xarunta Aqalka cad xafiis iyada u gaar ah ay ku shaqeyso.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey la taliye sare ugu magacaabay ninka qaba gabadhiisa Ivanka Trump kaa oo lagu magacaabo Jared Kushner , waxa ayna lamaanahan labaduba hada noqonayana shaqaale katirsan Aqalka cad.
War kasoo baxay Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay shaqada la taliye ay qabaneyso gabadha uu dhalay Madaxweyne Donald Trump aysan wax mushaar ah lagu siin doonin, waxa ayna u shaqeyn doontaa si iskaa wax u qabso ah.
Ivanka Trump ayaa aheed mid saameyn badan ku dhax leh aqalka cad ee dalka Mareykanka tan iyo markii aabaheed xilka la wareegay, waxaana marar badan la arkayay iyada oo ka qeyb galeysa shirar iyo soo dhaweyn ka dhacayay Aqalka cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here