Madaxweynaha Soomaliya Farmaajo oo u Amba-baxay dalka Urdun

0
49

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goordhaweyd ka amba-baxay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaliya iyo Wafdigiisa ayaa ku wajahan Wadanka Urdun oo 29-ka bishaan March  uu ka furmi doono shir Madaxeedkii 28-aad ee Wadamada jaamacadda carabta kaasi oo ay ka qeyb galayaan Madax sare, oo ay kamid yihiin boqorka Sucuudiga  Boqorka Urdun Cabdullaahi, Salman bin-Cabdicasiis, Madaxweynaha Masar  Cabdicasiis Sisi iyo madaxda kale ee wadamada kale ee Jaamacadda carabta.

Wafdigaan uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Somaliya Farmaajo waxaa garoonka Diyaaradaha aadan cadde  ee Magaalada muqdisho kusii sagootiyay mas’uuliyiin ka Tirsan Labada Golle ee Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Saraakiil Ciidan.

Qodobada lagu falaqayn doono shirweynaha waxaa ka mid ah arrimaha Falastiin, degaamaynta yuhuuda ee dhulka falastiin, ammaanka biyaha wadamada Carabta, waxaa kaloo lagaga hadli doonaa xaaladihii u dambeeyay ee wadamada Ciraaq, Siiriya, Liibiya, Yemen iyo abaaraha saameeyay Soomaaliya.

Dhanka kale Kullanka hordhaca ee gollaha wasiirada Carabta oo hadda ka socda Hotel Kempinski ee Cumaan, kaasi oo lagu diyaarinayo ajendaha kullanka beri ayaa sidoo kale laga hadlay dagaalka ka dhanka ah waxay ugu yeereen argagixisada iyo guud ahaan amniga mandaqada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here