Madaxweynaha “Somaliland looma diidin Mashruucyada

0
49

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Maamulka Somaliland aan loo diidin Mashruucyada ay helaan inta badan Maamul Goboleedyada.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Axmed Madoobe in loo baahan yahay Maamulka Somaliland in fursad loo siiyo in ay helaan Mashruucyada ay helayaan Dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa Dowladda Federaalka waxa uu ka dalbaday in ay ku dadaasho sidii Maamulka Somaliland looga qeyb galin lahaa Mashaariicda ay helaan Maamulada kale ee dalka ka jira.

Maamulka Somaliland ayaa weli isku heysta in uu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxaana weli aysan helin wax Aqoonsi ah oo kaga yimaada Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here