Madaale:-“Oo Cabsi Kaqabo In Lagu Sameyo Xil Kaqaadis

0
76

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in laga dhexli doono waddooyinka caasimada oo dib loo dhisay isla markaana xilka uu yahay meerto.

Wuxa uu sheegay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada muqdisho muddo hal sanno iyo lix bilood oo uu joogay xafiiska Maamulka Gobolka banaadir in la dhisay lix waddo oo Magaalada Muqdisho ku yaalla, kuwaasi oo markii uu maamulka la wareegayay ay burbursanaayeen.

“Cid wax bilowday oo dhameysay ma jirto,cid kasta meel ayay ka bilowdaa meel ayay gaarsiisaa,kan maanta jooga meel ayuu gaarsiinayaan, kan bari imaanaya meel ayuu gaarsiinayaan, cabsi kama qabmo arintaas”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka banaadir.

Hadalkaas ayuu ka sheegay Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho munaasabad lagu daah furayey waddo loogu magacdarray allaha u
naxariisto Dr Xuseen Axmed Kadare oo Muqdisho ku taalla.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in isbadal lagu sameyn doono Maamulka Gobolka Banaadir,islamarkaana xilka laga qaadi doono Gudoomiyaha Gobolka banaadir Shiikh yuusuf Xuseen jimcaale Madaale oo la magacaabay xiligii Xasan Shiikh Maxamuud.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here