Maamul goboleedyada oo loo qeybiyay Lacag gaareysa Hal Milyan & sida maamuladu ukala heleen

0
35

Guddiga Qaran ee gurmadka abaaraha ayaa maanta ku dhawaaqay in uu wajiga labaad ee deeqda lacageed uu u diri doono dowlad Goboleedyada Dalka.

Gudoomiyaha gudigaas Sh Nuur Baaruud Gurxan ayaa 8-ka maamul goboleed ee dalka uqeybiyay lacag dhan Hal Milyan boqol iyo konton kun dollar (1,150, 000 Dollar) si loogu kaalmeyo dadka ay abaaraha saameeyeen.

Somaliland ayaa heshay lacagta ugu badan oo ah labo boqol oo kun, halka gobolada Sool iyo Sanaag iyo sidoo kale gobolka Banaadir ay heleen min boqol kun dollar.

Dhamaan maamul goboleedyada dalka ee kala ah Galmudug, Hiirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaaland iyo Puntland ayaa loo qoondeeyay lacag dhan 1500,000 (boqol iyo konton kun dollar)

1- Galmudug $150,000

2.hirshabelle $150.000

3- K.galbeed $150.000

4-Jubaland $150,00

5-G. Banadir $100.000

6-S.land $ 200.000

7-Sool iyo Sanag $100.000

8-Puntland $150,000

Waxaan u dhiibi doonaa Guddiga gurmadka Abaaraha heer dowlad gobeed. Iyaguna waxa ay u sii gudbin doonaan guddiga Heer degmo

Maamul goboleedyad ayaa horey loo gaarsiiyay lacag la eg mida haatan mar kale la siiyay, waxaana ay lacagahan ka yimaaden ganacsato Soomaaliyeed iyo deeqaha abaaraha loogu talagalay ee caalamka laga soo aruuriyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here