LA OGAADAY: Waa kuma Shaqsiga loo wado Gudoomiyaha G/banaadir?

0
77

Madaxweynaha jamuuriyadda federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Gudoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Duqa magaalada Mogadishu u soo magacaabo Abdulaziz Ali Ibraahim “Xildhiban”, oo ah Qoraa soomaaliyeed oo tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka soo shaqeynayay u ololeynta nabadda dalka soomaaliya.

Cabdicasiis “Xildhiban”, ayaa ah siyaasi aqoon yahan ah oo si’weyn kaga soo horjeeda dagaalada iyo xadgudubyada ka dhanka ah bulshada soomaaliyeed isagoo dhaliilo iyo talooyin u jeedin jiray dhamaan hogaamiyayaashii dalka soomaray gaar ahaan kuwii mas’uulka ka ahaa dagaaladii iyo burburkii xooga badnaa ee dalka iyo dadka soomaaliyeed aafeeyay.

C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”, ayaa waxa uu ka tirsanaan jiray dhallinyaradii waaxdii Barbaarinta Wasaaraddii Waxbarashada iyo barbaarinta ee Soomaaliya, wuxuuna kaalin weyn kaga jiray dhallinyaradii sida cad cad uga muuqan jirtay masraxyadii Farshaxanka iyo qoraallada “Slogan”-nada ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana lagu naaneysi jiray C/casiis Arts, halka hadda luga naaneyso C/casiis “Xildhiban”.

-Qaran burburkii ka dib wuxuu ka mid ahaa qandaraasleydii howlaha u qaban jirtay howlgalladii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya intii u dhaxeysay bartamihii 1992-dii xilligaas oo ay dalka yimaadeen Ciidamadii UNITAF iyo kuwii ka socday Qaramada Midoobay ilaa horraantii sanadkii 1995-tii-isagoo Sanadkii 1995tii noqday Guddoomiyahii Naadigii Danaha Bulshada Soomaaliyeed ee laga aasaasay magaalada Muqdisho, sidoo kale wuxuu mar walba ka dhex muuqan jiray guddiyadii xallinta khilaafaadka ee ka jiray magaalada Muqdisho, ka dib 1999kii wuxuu noqday xubin ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibedda isla markaana ah wakiilkii Golaha Wadatashiga Soomaaliyeed.

7dii Bishii Juun Sanadkii 2004ta waxaa loo doortay Xoghayaha guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed.

Cabdicasiis xildhibaan ayaa dalka isaga baxay kadib caga jugleyn iyo hanjabaado toos ah oo ugu timid xoogagii dalka isku heystay intii burburka lgu jiray iyado horraantii bishii August sanadkii 2005-tii isbedal lagu sameeyay Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed oo uu horey uga ahaa Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqaas,ayaa loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed ahna wakiilka Jaaliyadaha ku dhaqan dalalka Qaaradda Europe.

29-kii bishii July sanadkii 2005-ta qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, xarunta dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu ka mid yahay wefdi uga qeybgalaya dowladda Soomaalida shir lagu qabtay magaalada CAUX ee dalka Switzerland. Wuxuuna 09kii-21kii bishii August sanadkaas ka qeyb galay shirweynahaasi oo ay ka qeybgaleen dalalka dunida wakiillo ka socda & Bulshada Rayidka isbadal-doonka ahaa.

Wuxuu bare ka noqday Dugsiga sare ee Earnest Bevin high school and college sanadii 2008 ilaa 2009-kii.
sidoo kale waxaa 13-kii November 2012 loo doortay in uu kamid noqdo maamulayaasha waalidiinta dugsiga hoose/dhexe ee Eardly ee magaalada London.

Horraantii sanadkii 2007 waxaa loo doortay in uu noqdo Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda Soomaaliyeed “Somali Peace Council”, sidoo kale isbaddel lagu sameeyay dhaqdhaqaaqaas bartamihii bishii May sanadkii 2008da mar kale loo doortay in uu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Somali Peace Council.

Waxaana sidoo kale uu ka’qeyb galay shirar caalami ah oo ka dhacay dunida dacaladeeda kuwaa oo looga hadlayay arimaha nabadeynta iyo danaha dalka soomaaliya.

C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban” ayaa ku dhashay isla markaana ku barbaaray magaalada Muqdisho, wuxuuna waxbarashadiisii Quraanka iyo Dugsiyadii Hoose, Dhexe iyo Sare-ba ku dhameystay magaalada Muqdisho, wuxuuna wax ka bartay culuunta Siyaasadda, gaar ahaan, Focolta’ Sceinze Politiche e’ Relazione Internationale, Universita’ della Studi di Firenze ee dalka Talyaaniga wuxuuna shahaadada master- degree-ga ka qaatay jaamacada Charter University isagoo ka diyaariay master of science in political science.
Qoraaga Cabdicasis “Xildhiban” Ayaa Wax Ka Qora Arimaha Dhaqanka,Suugaanta, Taariikhda iyo Nabadeynta Dalka Soomaaliya.

Abdiaziz “Xildhiban” waa muwaadin aqoon durugsan u leh siyaasada waxbadanna ku dhexjiray una qalma xilka gudoomiyaha iyo duqa Magaalada Mogadishu oo horumar,dib u dhis iyo nabadgalyo u horseedi kara in uu ka’hergeliyo guud ahaan gobalka banaadir iyo gobaladda deriska la’ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here