Galmudug ” Ahlusuna Wey Ka Qeybgelikaraan Doorashada Madaxweynaha

0
30

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiin Galmudug Maxamed Cali dheere oo la hadlay idaacadda simba ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu soo dhaweynayo Ahlusuna si ay kaga qeybgasho doorashada dhawaan lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Cadaado.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin in Ahlusuna ay ka qeybgasho Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhaceysa 10-ka bisha April.
Maxamed Cali dheere ayaa waxa uu sheegay in aysan diyaar u aheyn khilaaf xiligaani sii kala fogeeya iyaga iyo maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here