Faroole:-Labo Arin Darteed Xildhibaanada Ha u Ansixiyaan Golaha Wasiiradda

0
81

C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud(Faroole) oo kamid Xubnaha aqalka Sare ee dalka oo warbaahinta Puntland wareysi gaar ah siiyay ayaa ka codsaday baarlamanka Federaalka Soomaliya in ay ansixiyaan Wasiirada uu dhawaan soo magacaabay Raisulwasaaraha Xukuumadda Somaliya Xasan Cali Kheyre.

Senator C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ayaa isagoo ku sugan waddanka Australia, warbaahinta u sheegay in golaha Barlamaanka looga baahanyahay sidii ay u meel marin lahaayeen xukuumaddan oo waqtigeedu kusoo aaday xilli dalka Somalia ka jiraan xaalado adag oo isugu jira abaaro iyo colaado.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay Xildhibaanka tallaabada qaar kamid ah mudanayaasha Barlamaanka Federaalka Somalia ku dhaqaaqeen isagoo ku macneeyay arrin aan loo baahnayn islamarkaana wax u dhimaysa rajada shacabka ay ka qabaan Dowladda Cusub ee Soomaliya.

Sidoo kale Senator C/raxmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Farole ayaa golaha ku booriyay inay qaataan tallaabadii ay ku doorteen Madaxweyne Farmaajo islamarkaana ku ansixiyeen Ra’isal wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Khayre, wuxuuna ku waaniyay inay ka tanaasulaan sheegashada aan qiimaha badan ku fadhin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here