Duuliye geeriyooday isagoo hawada jira

0
41

Sida ay xaqiijisay shirkadda diyaaradaha ee American Airlines Duuliye ka tirsanaa shirkadaas ayaa geeriyooday Arbacadii xilli uu waday diyaarad uu ka soo duuliyey Magaalada Dallas kuna wajahnayd Albuquerque ee dalka Mareykanka,.

Diyaaradaas oo nooceedu ahaa Boeing 737-800 ayaa 3 km u jirtay in ay caga dhigato, markii kabtanka diyaaradda uu ku dhawaaqay inay jirto xaalad caafimaad oo deg deg ah, sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkadda American Airlines.

Diyaarada hogaankeeda waxa la wareegay oo dejiyay kaaliyaha duuliyihii geeriyooday.

”Dayuurada ayaa si tartiib ah u soo caga dhigatay iyadoo aanay dhicin wax dhibaata ah, ka dib waxaa albaabka kula kulmay kooxda gurmadka deg degga ah” ayuu yiri afhayeenka.

Dhammaan rakaabkii saarna diyaaradda ayaa la sheegay inay bad qabaan. Duuliyaha geeriyooday waxaa magaciisa lagu sheegay William Grubbs.

Sanadkii 2015-kii duuliye u shaqeenayey isla shirkaddan American Airlines ayaa dhintay intii uu ku guda jiray safar habeen ah oo uu diyaarad ka soo duuliyey magaalada Phoenix kuna socday Boston.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here