DEG DEG: Xildhibaan K/galbeed ka tirsan oo la dhaawacay +Magaciisa

0
36

Wararka inaga soo gaaray Gobolka Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in la dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka la dhaawacay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cismaan Caato sida ay warbaahinta qaar xaqiijiyeen, waxaana la dhaawacay xili uu la socday kolonyo gargaar u waday dad ay saameeyeen Abaarta ka jirta Gobolka baay.

Dhaawaca xildhibaanka ayaa waxaa ka dambeyay Ururka Al-Shabaab oo iyadu weerartay Kolanyada uu Xildhibaanka la socday Sida la xaqiijiyay.

Deegaanka uu dagaalka ka dhacay waxaa uu qayaastii 13KM u jiraa Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay waxaana lagu magacaabaa Buulobarako.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here