DEG DEG: Gudoomiyaha Aqalka Sare oo cadeeyay Mowqifkiisa Wasiirada cusub kana hadlay arinta uu wado Gudoomiye Jawaari

0
58

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdulaahi, ayaa ka hadlay diidmada Xildhibaanada Baarlamaanka qaarkood ay kala hor yimaadeen Xukuumadda cusub ee Somaliya.

Cabdi Xaashi wuxuu sheegay inay muhiim tahay in Baarlamaanka Somaliya uu fursad siiyo xubnaha cusub ee Wasiirada Somaliya si nidaamka dowladnimo ee dalka horay u socod loogu muujiyo.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka wuxuu tilmaamay inuusa xal u arkin in laga hor yimaado Golaha cusub ee Xukuumadda wixii saxid ahna la eego marka ay shaqo bilaabaan.

Xildhibaano gaaraya 105 Xildhibaan ayaa Warqad cabasho ah u qoray Ra’iisal Wasaaraha dalka, iyaga oo ka dalbanaayay in dib loogu noqdo Golaha Xukuumadda Somaliya qaab dhismeedkeeda,

Golaha Wasiirada Somaliya oo magacaaban, ayaa sugaya codka kalsoonida Baarlamaanka si ay u shaqo bilaabaan, balse waxaa laga hor keenay olole xoogan oo lagu diidan yahay.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo talo soojeedinta ay sameeyeen xubnaha Baarlamaanka ee diidan Xukuumadda cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here