DEG DEG: Dil caawa ka dhacay Magaalada Mugadisho+Cida Ladiley

0
68

Wararka inaga soo gaaraya xaafada Buur-dheere Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan caawa gaar ahaan Salaadii Cishaha kadib halkaasi ay ku dileen Askari Ciidanka NISA ka tirsanaa, iyaga oo sidoo kale dhaawacay Askari kale.

Kooxahan ku hubeysnaa Bastooldaha ayaa la sheegay in Labadan Askari ay ka toogteen qeybta sare jirkooda, iyaga oo dhowr xabadood ku furay, kadibn goobta isaga baxsaday.

Dadka Degaanka ayaa warbaahinta booqasho news u sheegay Labada Askari ee Rasaasta lagu furay in mid ka mid ah uu dhintay, halka kan kalena uu dhaawacmay.

 Saraakiil ka tirsan Ciidanka NISA oo si kooban ula hadlaybooqasho ayaa sheegay Askariga la dilay in lagu magacaabi jiray Anas, halka mid kale ee la dhaawacay lagu magaacabo Ibraahim Shigshigow.

Ciidanka ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata Gaadiidka Dagaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Askarta la Rasaaseeyay, iyaga oo sidoo kale sameeyay baaritaano la xiriira falkan.

Magaalada Muqdisho maalmahan waxaa ka socda dialka qorsheysan ee lala beegsanayo Ciidanka Dowladda Federaalka, Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowladda iyo Odayaasha soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here