Daawo:-Sida Loo Soo Dhaweeyay Diyaaradii Tooska Ugu Dagtay Garoonka Jomo Kenyatta+Sawirro

0
36

Waxaa maanta si rasmi ah u dhaqan galay heshiiskiisa Dowladaha Soomaliya iyo Kenya kaasi oo ahaa in duulimaayadda Diyaaradaha ee ka baxa Garoonka Magaalada Muqdisho in ay si toos ah u tagaan Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Diyaaradii ugu horeysay ayaa maanta ka amba-baxday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho,waxaana duulimaadkii ugu horeeyay xariga ka jaray Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre, waxayna diyaaradii ugu horeysay ka dagatay Jomo Kenyatta iyadoona aan baaritaan lagu marinin Degmada Wajeer.

Duulimaadkii ugu horeeyay muddo kadib ee Magaalooyinka Kenya iyo muqdisho waxaa maanta raacay shacab Soomaliyeed,waxayna si nabad ah ay kaga dageen Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi.

Madax Ka Tirsan Dowladda Kenya ayaa kusoo dhaweeyay Garoonkaas diyaaradii maanta ka dhooftay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan, taasi aan marin Garoonka Degmada Wajeer ee Gobolka Woqooyi bari ee Gobolka Bari.

Soomalida ka dagatay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport ee Magaalada Nairobi, ayaa wajiyadooda laga dareemayay farxad aad u weyn,waxaan garoonkaas kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha Gudaha Kenya Mr. Joseph Nkaisserry.

Dadka Soomaliyeed ayaa markii hore culeys iyo dhibaatooyin kala kulmi jirey baaritaanka degmada Wajeer ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here