Daawo Sawirada : Dhaqaatiir Ajaaniib ah oo ka howl galaya Isbitaalka Kalkaal ee Muqdisho

0
37

Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu bishaareenaya in dalka keeneen dhaqaatiir Ajnabi ah oo u dhashay dalka Hindiya kuwaa oo dalka u yimid sidii ay bulshada Soomaaliyeed ugu faa’iideen lahaayeen.

Dhaqaatiirta u dhalatay dalka Hindiya ee ka howl galaya Isbitaalka Kalkaal ayaa ku taqasusay

1-Cudurada ku dhaca Laf dhabarta iyo Lafaha

2- Cudurada Kansarka

3- Cudurada Wadnaha iyo Cudurada ku dhaca

Dhaqaatiirtan oo sidoo kale ku takhasusay Qaliinada ayaa maalinta berito oo ku beegan 31-da bisha Marso waxa ay si toos ah uga howlgalayaan Isbitaalka Kalkaal waxa ayna Isbitaalka ka shaqeeyanayana ilaa 3-da Bisha April.

Isbitaalka Kalkaal oo kamid ah Isbitaalada waa weyn ee Muqdisho ayaa xariir wada shaqeyn la leh Isbitaalo waa weyn oo kuyaala dalka Hindiya , waxaana Isbitaalka Kalkaal ka howlgala Dhaqaatiir isugu jirta Soomaali iyo Ajaaniib ah oo ku xeel dheer daaweynta cudurada kala duwan.

Kalkaal Hospital ayaa noqday isbitaalkii ugu horeeyay ee Leesar lagu istimcaalo qaliimada ,Haweenka sida dhalmo la,aanta Dumarka iyo Ragga, waxa uuna Isbitaalka ku caan baxay daaweynta dhalmo la,aanta dumar iyo Ragga.

Isbitaalka Waxa uu kuyaalaa inta u dhaxeysa isgooska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer

Waxii Faah faahin ah kala xiriir +252-617633661/ +252-617633662. / +252-690454545





LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here