DAAWO: RW Kheyre & S/Land oo Hanjabaadyo culus hawada isku mariyay

0
40

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa go’aan cad ka qaatay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya sidii maamulka Somaliland ku qanciso midnimada Soomaaliya.

Mr. Kheyre, ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabo walba oo xal u noqon kara sidii lagu heli lahaa iyo wada-jirka ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland, oo arrintaasi ka jawaabay ayaa sheegay in Somaliland marwalba ay ka go’an tahay inay gooni isaga taagto Soomaaliweynta inteeda kale, iyagoo hadalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku tilmaamay mid waxba u dhimi doonin ka maamul ahaan.

BOOQASHO NEWS

Warar ay heshay Baahin.com ayaa sheegaya in dib loo furi doono wadahadaladii labada dhinac si xal looga gaaro khilaafka mudada dheer ee Koofurta iyo Waqooyiga.

Si kastaba, Madaxweyne Farmaajo ayaa horey usheegay iney ka go’an tahay sidii Soomaali weyn ugaarsiin lahaa heshiis rasmi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here