Daacish oo dilkii ugu horreeyay Muqdisho ka fulisay

0
43

Kooxda Daacish ayaa waxa ay sheegtay in ay Weerarkii ugu horeeyay oo ay ka fulisay Muqdisho in ay ku dishay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Warbaahinta Daacish ee loo yaqaan Acmaaq ayaa lagu daabacay in dabley ka tirsan Kooxda Daacish in ay Muqdisho ku  dileen Sarkaal lagu magacaabo Muxiyaddiin Amadd.

Kooxda Daacish waxa ay horay u sheegatay Weeraro ka dhacay Afgooye iyo sidoo kale Magaalada Boosaaso.

 Waa Markii ugu horeysay oo kooxda Daacish ay sheegato dil loo geystay Sarkaal ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here