Al-shabaab Oo Beniyey Hadal Ee Shaley Shegtey Dowlada Kenya

0
65

War kasoo baxay xarakada Al-shabaab ayaa lagu beeniyay wararka ku aadan in duqeyn iyo Howlgal ay Ciidamada Kenya ka fuliyeen degmada badhaadhe lagu dilay 31-askari oo ka Tirsanaa dagaalyahanadooda.

 Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo warbaahinta Xarakada Al-shabaab la hadlay ayaa sheegay in haba yaraatee wax duqeyn ah oo lagu dilay ciidamo ‘Al-shabaab” ka tirsan ay ka dhaceen deegaan ku dhow magaalada Badhaadhe.

“Al-shabaab waa nabad qabaan haba yaraatee wax duqeyn ah kama dhicin saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Badhaadhe ama Jubbooyinka, warka kasoo baxay dowladda Kenya waa been abuur ay ku doonayso in ay niyadda ugu dhisto ciidankeeda mooral jabsan ee ku dhiig baxaya gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidanka Al Shabaab.

Ciidamada dowlada Kenya ayaa shalay sheegay in ay dagaal ku dileen dagaalyano ka tirsan xarakada Al-shaaab kadib weerar ay ku qaadeen fariisin xarakada al shabaab ay ku lahaayeen dagmada badhaadhe ee Gobalka Jubbada hoose. Ciidamada Kenya ayaa sheegay in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa, qoryo AK-47 ah,qalab isgaarsiineed,cunno iyo waliba Uniform-ka ciidanka militiriga Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here